Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa
Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya S/guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa waxaa uu Maanta u Magacaabey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed qeybta Dowlad Goboleedka Galmudug Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile.
Wareegto kasoo baxdey Xafiista Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa xilka Taliyaha Ciidanka Asluubta qeybta Galmudug waxaa loogu Magacaabey Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile.
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta qeybta Galmudug loo Magacaabey ee Xirsiile ayaa horay waxuu u ahaa Taliyiha Xabsiga Dhexe ee Xamar.
18 Disembar 2019,W ayaa shaqada laga joojiyay Taliye Xirsiile ka dib markii lagu eedeeyay in uu bukaan xanuunsanaa uu si khasab ah uga saaray isbitaalka, ninkaas oo ahaa maxbuus ka dibna geeriyooday.
Taliska Ciidanka Asluubta ayaa xilligaasi guddi baaritaan u saaray dhacdadaas, “waxaana shaqada laga joojiyay taliyaha lagu eedeeyay arrintaas” inta uu baaritaankaas socdo, Walow Talisku uusan soo bandhigin eedaymahaasi.
Afhayeenka Ciidamada Asluubta, Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Khalaf, ayaa xilligaasi warbaahinta u sheegay in “Taliyihii xabsiga, inta uu baaritaanka socdo, shaqadii waa laga joojiyay, dhaqkhtarkiina shaqada waalaga joojiyay” , .
1 January 2020, Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile ayaa xilkii laga qaaday waqti yar kadib markii uu xilka dib ugu celiyey Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Jen. Mahad C/raxmaan ayaa shaqada dib ugu celiyay taliyaha, iyadoo wax yar kadib tallaabada uu qaaday ay soo farageiisay dowladda Soomaaliya oo si toos ah xilka uga qaaday taliyaha oo baraha bulshada si weyn loogu faaqiday fal uu maxbuus xanuunsanaa uga saaray isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho
Taliye Xersiile ayaa shaqada looga joojiyey kadib muran ka dhashay maxbuus xabsiga ku xanuunsaday oo la geeyay mid ka mida isbitaallada Muqdisho, iyadoo uu taliyaha si awood ah uga baxay isbitaalkii la geeyay.
Magacaabista Taliyaha Guud ee Ciidamada Asluubta Galmudug ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli shalay Dowladda Federaalka ay Magacaawdey Taliyaha Ciidanka Asluubta Qeybta Jubbaland, waxaana horay Jubbaland u soo diiday dhowr taliye oo ay Dowladda Soomaaliya u magacaawday.
