MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Madaxweyha Dalka Kenya Uhuru kenyatta ayaa Golihiisa Wasiirada ugu digay in ay ka qeyb qaataan Siyaasada ama ay si weyn iskugu Mashuuliyaan.
Madaxweyne Kenyatta ayaan xili uu joogay Xaafada Kitengela ee is maamulka Kajiado ayaa sheegay Wasiirkii ka dhaga adayga digniintaan uu talaabo adag ka qaadi doono sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha Kenya oo hadalkiisa sii wata Carabka ku dhuftay in wasiiradiisa ku wargaliyey in ay jiraan Kenyaan badan oo jecel diyaarna u ah in qabtaan Xilal Masuuliyiintaan haayaan, uuna u dhiibi doono hadii ay shaqadooda ka soo bixin.
Ugu dambeyn Kenyatta ayaa hoosta ka xariiqay in Maamulka uu hugaamiyo uu diiradda saarayo sidii loo fulin lahaa balanqaadyadii loo sameeyay Shacabka Kenya xiligii uu ku jiray Ololihii doorashadiisa.
