Faahfaahin: Qarax xalay ka dhacay magaalada Baladweyn.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyn, ayaa sheegaya in xalay qarax Miino uu ka dhacay bartamaha magaalada.

Qaraxa ayaa la dhigay Darbiga guri ku yaala Xaafada Howlwadaag ee magaalada Baladweyn, waxaa la sheegay inuu hal qof ku dhaawacmay qaraxa oo la dhex galiyay daasadaha Caanaha laga isticmaalo.

Gudoomiyaha magaalada Baladweyn Maxamed Axmed Ibraahim (Food Cade), ayaa Idaacadda Mustaqbal u sheegay in qaraxa kadib ay sameeyeen howlgal lagu baadi goobayay Raggii weerarka fuliyay , balse aysan cidi soo qaban.

Qofka qaraxa ku dhaawacmay, ayaa la dhigay Isbitaalka weyn ee magaalada, halkaasoo xaaaldiisa Caafimaad lagula tacaalayo, Saraakiisha Caafimaadka ayaa iyaguna soo sheegay in dhaawaca qofka uu yahay mid daran.

Mustaqbal media

Read Previous

Itoobiya oo markii u horeysay qabatay hogaanka howlgalka Amisom ee Soomaaliya.

Read Next

Uhuru Kenyatta oo wasiiradiisa uga digay in ku Mashquulaan siyaasada.