Uganda oo ka walaacsan nolosha Ciidankeeda jooga Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Lugta ee Dalka Uganda oo todobaadkii la soo dhaafay soo gaaray Soomaaliya ayaa soo gaba gabeeyay kormeer uu ku sameeyay Saldhigyada Ciidamada Uganda ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Jeneraal Peter Elwelu, ayaa tagay Saldhigyada Ciidanka Uganda ee Gobolka Shabeellaha hoose,kuwaas oo ku kala yaalla Baraawe, Qoryooley, Marka iyo Ceeljaalle.

Peter Elwelu, oo booqanaya Shabeellaha hoose.

Waxaa uu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Uganda ee ku jira Saldhigyadaas waxaana uu kula taliyay in ay feejignaadaan.

“Waxaan ka walaacsanahay xaaladda bad qab ee Ciidankeenna halkan jooga” ayuu yiri Jeneraal Peter Elwelu, oo Ciidankiisa la hadlayay.

Peter Elwelu, oo la hadlaya Ciidanka Uganda ee jooga Shabeellaha hoose.

Waxaa kale oo uu yiri “ogaada, Al-shabaab waxaa ay joogaan dhulkooda,ha nasanina, markasta oo aad adinku nasataan waa marka ay idin soo weerarayaan”.

Wxaaa uu Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Uganda jeneraal Peter Elwelu, la kulmay Odayaasha Dhaqanka, Maamulka iyo Saraakiisha Ciidanka Degmada Qoryooley oo uu uga mahad celiyay sida ay ula shaqeeyaan Ciidanka Uganda.

Mustaqbal media

Read Previous

We’re ready to lose Somalia market, miraa traders say

Read Next

Manchester United oo £ 262m ku dooneysa xidig France ka ciyaara, waa kee?