Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa xarunta Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Maxamed Al-Mowallad.
Kulankan ayaa diiradda lagu saarayey xaaladaha guud ee dalka iyo sidii la isaga kaashan lahaa fursadaha wax-wada-qabsi ee lagu taageerayo Soomaaliya.
Labada Danjire ayaa isla gartay in la xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, iyada oo Turkigu uu hormuud ka yahay taageerada dhismaha ciidamada iyo la dagaallanka AS.
Danjire Alper Aktaş ayaa xusay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta dalalka kale ee saaxiibada la ah Soomaaliya, si loo xaqiijiyo amni waara iyo horumar dhameystiran.
Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli Turkiga iyo Sacuudiga ay kamid yihiin dalalka sida dhow u taageeray midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
