Qoysas horleh oo Abaar darteed uga barakacay DG Jubbaland

Qoysas horleh ayaa ka barakacay Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Jubbaland kaddib markii ay saamayn taban ku reebtay Abaarta halkaas ka jirta, waxa ay intooda badan aadeen deegaannada laga heli karo biyaha sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Deegaannada abaartu saamaysay ayaa dhaca Gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, qoysaska qaar ayaa helay kaalmo kooban oo ka timid dhinaca Guddiga Gurmadka Abaaraha Dowlad-Goboleedkaas inkasta oo aanay ku filnayn.

Wasiirka Gargaarka & Maaraynta Musiibooyinka Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq ayaa sheegay in biyo dhaamin kooban ay u sameeyeen qoysaska qaar inkasta oo aanay dabooli Karin baahidooda.

Waxa uu cod dheer ku gaarsiiyay guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed in gurmad degdeg ah lala gaaro dadka abaaruhu saamayeen oo xaalado dhinaca nolosha ah wajahaya si ay u badbaadistaan naftooda iyo xoolaha ay dhaqanayaan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Turkiga iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay amniga Soomaaliya

Read Next

Maxkamad ku taal Japan oo xabsi daa’in ku xukuntay Ninkii dilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalkaas