MW Xasan Sheekh Maxamuud “Ma aqbali doonno in Israa’iil ay joogto Soomaaliya”
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo ku jira ololaha doorashada waqtiga dhexe ee Dalkaasi ayaa taageerayaasha Xisbiga uu katirsan yahay ee Jamhuuriga kahor jeediyay dhaleecayn ka dhan ah Dalal ay kamid tahay Soomaaliya iyo Xisbiga Dimuqraadiga.
Donald Trump ayaa la arkayay isaga oo ku qaylinaya ereyo culus oo ka dhan ah Dalal, Muwaadiniin iyo Xisbiga Dimuqraadiga, waxa uu difaacay canshuuraha dheeraadka ah iyo siyaasadda dibadda uu maamulkiisa ku wajahayo.
Xubno katirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Donald Trump iyaga oo sheegay in dhammaan ololaha Xisbigiisa uu ka dhigay kuwo dhaleeceen ah kana leexiyay jihadiii muujinta waxqabadka Jamhuuriga.
Trump ayaa qudhiisa horay u sheegay in Xisbiga Dimuqraadiga uu la wareegi karo maamulka Maraykanka isaga oo tilmaamay in dad badan ay taageero u yihiin sidaas awgeed ay xoogga saarayaan sidii ay u kasban lahaayeen doorashada dhexe ee dhacaysa bisha November 2026.
Mustaqbal
