Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo dhigiisa Masar?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalka Masar, Cabdilfitaax Alsiisi, iyagoo ka wada hadlay Iskaashiga Amniga ee labada dal iyo arrimo la xiriira xaaladda gobolka.

Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in ay markasta garab taagan yihiin ilaalinta Midnimada iyo xasiilooda Soomaaliya, isagoo xusay in la sii xoojin doono Iskaashiga labada dowladood.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhigiisa Masar uga mahadceliyay garab istaagiisa Soomaaliya.

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa Masar ayaa ku soo aadaya xilli la filayo in shir gaar ah ay yeeshaan Madaxda Suudaan, Soomaaliya, Masar iyo Eretariya, iyadoo laga wada hadli doono xaaladda gobolka.

Kulamadan ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka dalalka Itoobiya, Masar iyo Eretriya uu xumaaday sabab la xiriirta dagaallada ka socda Waqooyiga Itoobiya oo Xukumadda Adis Ababa ku eedeysay in ay dalalkaasi maalgalinayaan Kooxo hubeysan.

Soomaaliya ayaa u muuqata in ay qaadatay dowr dhexdhexaad ah, iyadoo si isku mid ah ula macaamileysa dalalka Gobolka, waxaana xusid mudan in toddobaadkii hore Madaxweyne Xasan Sheekh safar ku tagey dalka Itoobiya, isagoo la kulmay Ra’iisul wasaare Aby Axmed.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Soomaaliya oo cambaareysay weerar lala beegsaday xaruunta Korontada siisa Masjidka Nabiga SCW