Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen qaadashada Qaxootiga Soomaaliya isaga oo eedeyn culus u jeediyay Bulshada Soomaaliyeed kuna tilmaamay kuwo aan shaqaysan waa sida uu hadalka u dhigay.
Donald Trump ayaa sheegay in aanay dalkiisa laga rabin Dadka Soomaaliyeed sidaas awgeed ay habboon tahay inay dalkooda joogaan, waxa uu ku dhaliilay in aysan waxba kusoo kordhin Maraykanka balse ay lacago uun ay qaataan.
“Waxa aan joojinay dhammaan Qaadashada Qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya, masoo geli karaan, mana rabo in ay halkaan yimaadaan, waxa ay joogi karaan halkii ay ka yimaadeen” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.
Waxa uu Dadka Soomaaliyeed ee Dalka Maraykanka tagay ku eedeeyay in aysan shaqaysan 98% isaga oo Dadkii uu la hadlay kahor sheegay in ay hal arrin ku wanaagsan yihiin Dadka Soomaaliyeed oo ah inay wax ka bartaan Maraykanka sida uu ku faanay.
“Waad ogtihiin waxa ay leeyihiin heer shaqo la’aan oo gaaraysa 98% waxaa habboon in ay naga faa’iidaystaan oo lacagteenna naga qaataan weliba iyaga oo jooga halkii ay ka yimaadeen” Sidaasi waxaa markale yiri Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.
Hadallada ka dhanka ah Soomaalida ee Madaxweyne Trump uu ka sheego fagaaraha ama uu kusoo qoro barihiisa xiriirka Bulshada waa kuwo muddo joogta ahaa, waxaana jira culays uu saaray qaar kamid ah Soomaalida ku nool dalkaasi.
Mustaqbal
