Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in lala xisaabtamo cid kasta oo ku lug yeelata Weerarka lala beegsaday xaruunta bixisa Korontada Masjida Nabiga SCW ee ku yaalla Magaalada Madiina.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Sacuudiga, si uga hortagaan weerarada Kooxda Xu*yiinta.
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto taas oo bixisa adeegga korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee magaalada Madiinah, Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

Mustaqbal
