Muxuu daaran yahay safarka Ra’iisul Wasaare Xamsa ee Galmudug?
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan is baddelin mowqifka ka dhanka ah Saldhig ay Israa’iil ka samaysato Ciidda Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Berbera ee Waqooyi Galbeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray Israa’iil ay ka shaqayso fidno iyo colaad sidaas awgeed ay Soomaaliya ka fogaanayso inay usoo dhawaato, waxaana uu wax aan la aqbali Karin ku tilmaamtay Damaca Yuhuudda ee Geeska Afrika.
“Ma aqbali doonno in Israa’iil ay joogto Soomaaliya, ma doonayso in colaadda bariga dhexe loo soo raro Geeska Afrika, si dhow ayaan ula soconaa dhaqdhaqaaqa Israa’iil” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Rajo weyn ayuu ka muujiyay in Dadka Soomaaliyeed ay ka adkaadaan Israa’iil kana hortagaan caqabadaha ay la damacsan tahay Dalkooda, waxaana uu tallaabooyinka Tel Aviv ku sheegay in ay yihiin kuwo ka dhan ah Madaxbannaanida Soomaaliya.
Adkaysiga iyo ka guulgaarista Dadka Soomaaliyeed ee cid weliba oo kusoo xad gudubto waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in ay waaya-aragnimo u leedahay iyaga oo horay usoo arkay muran la geliyay Baddooda iyo Dhulkooda ugu dambayna ay guullaysteen.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Waraysi siiyay Telefishinka Aljazeera ayaa sheegay in tallaabooyin dhinaca sharciga ah ay qaadday Dowladda ugana guullaysatay Israa’iil sidoo kalena ay garab ka heshay dalalka Caalamka.
Ugu dambayn waxa uu caddeeyay in Shacabka Waqooyi Galbeed aanay doonayn in ay soo dul degto Israa’iil, waxaana uu intaas ku daray in Siyaasiyiin kooban oo danahooda gaarka ah ka eeganaya siyaasadda sida uu hadalka u dhigay.
Mustaqbal
