Mareykanka oo ka digay xiisadda Itoobiya iyo Eritrea

Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo sheegtay in xaaladdu saameyn ku yeelan karto guud ahaan Geeska Afrika. Mareykanku wuxuu ka digay in gobolka uusan awoodin dagaal militari iyo qalalaase bani’aadamnimo oo cusub.

Mareykanka ayaa ugu baaqay labada dal inay muujiyaan isxakameyn buuxda, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka deriska ah, isla markaana dib ugu laabtaan wada-hadalka iyo iskaashiga, sida ku cad qaabdhismeedkii nabadeed ee 2018.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kadib markii Itoobiya 1-dii Oktoobar ku dhawaaqday inay xirayso safaaraddeeda ku taalla Asmara, iyadoo sidoo kale 10 diblomaasi oo Eritrean ah ku amartay inay dalka uga baxaan 48 saacadood gudahood. Addis Ababa waxay tallaabadan ku sababeysay waxa ay ku tilmaantay falal “cadaawad iyo gardarro” ah oo Eritrea ku hayso Itoobiya.

Eritrea ayaa iyaduna ka jawaabtay tallaabadaas iyadoo ku dhawaaqday inay jartay dhammaan xiriirradii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Itoobiya, taasoo sii xoojisay xiisadda labada dal.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dagaallo ka socdaan waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan Tigray. Midowga Afrika ayaa sidoo kale ugu baaqay Itoobiya, Eritrea iyo dalalka kale ee ay khusayso inay muujiyaan isxakameyn, kana fogaadaan tallaabooyin sii xumeyn kara xaaladda.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Taliyaha Booliiska Mudug oo shaqada looga joojiyay Maxaabiis Burcad Badeed ah oo baxsatay 

Read Next

Maxaa ka soo baxay shirka Madaxda Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eretariya?