Muxuu daaran yahay safarka Ra’iisul Wasaare Xamsa ee Galmudug? 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa barqonimadii maanta u safray Magaalada Ballanbale ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug halkaas oo muddooyinkii dambe ay ka socdeen waanwaan lagu xalinayo dagaal beeleed horay uga dhacay.

Mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoogga saaray xal u helista beelo maleeshiyaadkooda horay u dagaalamay iyada oo lagu soo warramayo in lagu guullaystay dedaalladaas.

Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalaya munaasabadda xiritaanka Gogoshaas oo labada dhinac ay ku kala saxiixanayaan qodobo lagu xoojinayo heshiiskooda si looga hortago isku dhacyada maleeshiyaadka hubaysan sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Gobolka Galgaduud waxaa horay uga dhacay Dagaallo toos ah iyo dilalka aanooyinka oo lagu beegsaday Dad u badan Xoolo dhaqato, waxaa xoogga la saaray sidii loo wareejin lahaa xeendaabkaas oo Bulshadu isugu furmi lahayd meeshana looga saari lahaa cabsida ka dhex jirta.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre waxa uu tagayaa qaar kamid ah Xeryaha Ciidamada Federaalka si uu usoo xog-warraysto Saraakiisha iyo ciidamada halkaas ku sugan sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo ku dhow safarka Xamsa.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maraykanka oo si degdeg ah Ingiriiska uga saaray Diyaaradihiisa uu u adeegsado weerarrada fogfog