MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa looga digay in uu sii huriyo colaadda ka dhex abuurantay Ciidamada Socdaalka & Kastamka dalkaas ee ICE iyo Dadka Gobolka Minnesota kaddib markii ciidankaas ay dileen Dad rayid ah.
Waxaa sii xooggaystay dibadbaxayada ka socda Minnesota, Madaxweyne Donald Trump ayaa ciidamada ICE ku adkeynaya in ay awood Militari u adeegsadaan dadkaas isusoobaxay si loo kala eryo sida wararku sheegayaan.
Xubno xilal kala duwan horay uga soo qabtay Gobolka Minnesota iyo mas’uuliyiin hadda qaarkood mas’uuliyiin ah ayaa ka digay dhibaatooyinka aan la mahdin doonin natiijadooda ee Madaxweyne Donald Trump uu ka dhex abuurayo Bulshada iyo Ciidanka.
Maamulka Gobolka Minnesota ayaa dadka ugu baaqay in ay is dejiyaan halka ciidamada Socdaalka iyo Kastamka ee ICE uu u sheegay in ay ilaaliyaan mas’uuliyadda ka saaran dhowrista dadka dibadbaxaya ee culayska haysta ka dhiidhinaya.
Mustaqbal
