Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Ciidamada Kumaandooska Danab oo kaashanaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan deegaanno Hoostaga Magaalada Xeebta leh ee Kudhaa.
Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u sheegay in ciidamo dheeraad ah lagu kordhiyay Askarta howlgalka wada maadaama ay u ruqaansadeen deegaannada ay ku xooggan ‘AS’ isla markaana la sheegay in ay kasoo abaabuleen weerarkii Kudhaa.
Saraakiil katirsan laamaha Ammaanka ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ay qayb ka yihiin howlgallada socda kuwaas oo duqeymo ka fuliyay deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
