Talyaaniga oo sheegay in ay xoojinayaan tababarada ay siiyaan Ciidamada Xoogga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil sare oo ka tirsan CXDS, ayaa maanta xarunta Taliska Guud ee Xoogga Dalka ku soo dhaweeyay wafdi sare oo ka socda dowladda Talyaaniga, kuwaas oo uu horkacayay ku xigeenka arrimaha ciidanka ee dowladda Talyaaniga.

Kulankan ayaa looga wada hadlay iskaashiga milateri ee labada dal, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa tababarada la siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa wafdiga uga warbixiyay horumarka ay ku tillaabsadeen Ciidanka Dhulka iyo baahiyaha loo qabo in la sii joogteeyo tayeynta ciidanka, isagoo xusay in dowladda Talyaanigu ay tahay saaxiib istiraatiiji ah oo gacan ka geysta dhismaha amniga Soomaaliya.

Dhankooda, xubnaha wafdiga ka socday dowladda Talyaaniga ayaa uga mahadceliyay Taliska Ciidanka Dhulka soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka sharafta leh ee loo sameeyay.

Wafdigu waxay caddeeyeen in dowladda Talyaaniga ay ka go’an tahay sii wadidda iyo ballaarinta taageerada ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo gaaro hadafka guud ee ah xaqiijinta nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Soomaaliya oo sheegtay in ay diyaar u tahay Maalgashi caalami ah

Read Next

Diyaarado Dagaal oo duqayn ka fuliyay Gobolka Jubada Dhexe