MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaam Cige, ayaa maanta magaalada Brazzaville ee dalka Congo kulan kula yeeshay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Dr. Sidi Ould Tah, intii lagu guda jiray ka qaybgalka Shirarka Sanadlaha ah ee Bangiga.
Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saarey dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya, sida looga gudbay hannaankii deyn cafinta.
Labada mas’uul ayaa si qoto dheer uga wadahadlay fursadaha cusub ee maalgashi iyo mashaariicda horumarineed ee ka furan Soomaaliya xilligan.
Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaam Cige ayaa uga mahadceliyey Bangiga Horumarinta Afrika doorka uu ku leeyahay taageeridda mashaariicda horumarineed iyo dadaallada dib-u-dhiska dalka, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay hadda u diyaarsan tahay maalgashi caalami ah oo horseeda isbeddel dhab ah.
Dhankiisa, Madaxweyne Dr. Sidi Ould Tah ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya dhabar-adayga iyo hufnaanta ay muujisay intii lagu guda jiray dib-u-habaynta maaliyadda, isaga oo xaqiijiyey in Bangigu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya si loo gaaro horumar waara.
Mustaqbal
