Taliyaha NISA oo sheegay in dhawaan la aasi doono Askartii lagu dilay degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe

Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa Odoyaasha Dhaqanka ee degmada Moqokori kala hadlay sidii loo aasay Askartii lagu dilay meel u dhow magaalada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliyaha Ciidamada oo halkaasi khudbad ka jeediyay halkaasi ayaa sheegay in dhacdada dhacday qabiil loo rogin, iyo in ciidamada Qaranka furimaha laga soo saarin.

“Waxaan qorsheynayna in dhawaan la aaso Meydka Askartii lagu dilay degmada Ceelbaraf, arrinta dhacdayna waxaa ay u taala Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Taliyaha NISA, Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Odoyaasha Dhaqanka ayaa isku raacay in la Aaso Meydadka Askarta lagu dilay Ceel-baraf isla markaana la aado magaalada Beledweyne, oo aay ku suganyihiin Madax dhaqanka iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo muddo 3-bilood hakisay Baasaboorka Dalka

Read Next

Soomaaliya si rasmi ah 54 sano ka dib Xubin ka noqoneysa shirarka Golaha Amniga ee QM