Taliyaha Africom “warka ah dhimashadeyda wuxuu muujinayaa beenta iyo dacaayadda ka imanaya Al-Shabaab iyo asxaabteeda xun”

General Stephen  Townsend oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee ku sugan qaarada Afrika ee (AFRICOM), ayaa beeniyay war ka soo yeeray Shabaab oo ahaa inuu kamid noqday askartii lagu dilay weerarkii saldhigga Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalk kenya.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay ineysan waxba ka jirin sheegashada Shabaab, wuxuuna warkooda ku sifeeyay inuu qeyb ka yahay dacaayaadka ay fidiyeen ee lagu baahiyo baraha lagu qoro wararka iyaga lagu taageero.

Waxa uu yiri “Wararka ku saabsan dhimashadeyda waa kuwo si weyn loo buun-buuniyey. Tani mar kale waa tusaale muujinaya beenta iyo dacaayadda ka imanaya Al-Shabaab iyo asxaabteeda xun, sida Iran iyo kuwa u shaqeeya,”

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay in ay ku dileen weerarka 17 askari oo Maraykan ah iyo lix askari oo Kenyan sidoo kalana ay ku gubeen illaa 7 diyaaradood.

Duulaankii xerada Manda Bay oo lagu gubay todoba diyaaradood ayaa noqonaya falkii labaad oo liddi ku ah amniga oo Al-Shabaab ka fuliso Kenya tan iyo markii uu bilowday sanadkan 2020.

News Editor

Read Previous

Hay’adda Duulista Rayidka Oo Aqalka Sare ka Codsatay Inay Sharcigeeda Ansixiyaan

Read Next

Wasiir Cawad Oo la Kulmay Dhigiisa Sucuudiga