Wasiir Cawad Oo la Kulmay Dhigiisa Sucuudiga

Danjire Axmed Ciise Cawad wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ayaa kulmay la qaatay dhiggiisa dalka Sucuudi Carabiya Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah,iyaga oo ka wada hadley arrimo dhowr ah.

 

Labada wasiir ayaa kulanka waxa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka laba wadan iyo iskaashiga labada dal, sidoo kale waxa ay isla faaqideen arrimaha heer goboleed iyadoo si wadajir ah looga wada tashado.

 

Wasiirka arrimaha dibadda dawlada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Sacuudiga uga qeybgalay shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee 8 dawladood oo ku teedsan xeebta Badda Cas.

Webmaster

Read Previous

Taliyaha Africom “warka ah dhimashadeyda wuxuu muujinayaa beenta iyo dacaayadda ka imanaya Al-Shabaab iyo asxaabteeda xun”

Read Next

Ciidamo ka mid noqonaya Daraawiishta Soomaaliya oo tababar looga furay Muqdisho.