Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod
Jaamac Maxamed Axmed ; Taliyaha Ciidamada Isku dhafka ee Gaalkacyo oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ay ka dalbadeen in la kordhiyo Ciidamada ka howlgala Magaaladaasi.
Waxa uu sheegay in isbeddel dhinaca amniga ah uu ka jiro Magaalada Gaalkacyo Markii Ciidanka isku dhafka ah la wareegeen Amniga Magaalada.
Waxa uu tilmaamay in Dagaaladii ka dhici jiray Magaalada ay kasoo bilaaban jireen Miyiga sidaana ay Gaalkacyo kusoo gaari jireen.
Ciidamo cusub ayuu codsaday in loo baahanyahay kuwaas oo ka howlgalaya Miyiga, si iyanna dadka kunool ay u helaan Xasilooni lamid ah tan ay heystaan Dadka Magaalada Gaalkacyo.
Ku dhawaad 200 Neef oo Geel ah ayna kala dhaceen Maleeshiyaadka ayuu sheegay in ay ku guuleysteen ka daba-tagooda, Duleedka Magaalada Gaalkacyo, dibna ugu celiyeen dadkii lahaa.
Duruufaha dhaqaalaha ee ay ku howlgalayaan Ciidamada waxa uu sheegay in ay u dulqaadan karaan Ciidamada waa hadii la kordhinayo Ciidamada si Nabad galyo ay ugu dhaliyaan Duleedka Magaalada Gaalkacyo.
Wafdi isugu jiray Dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobe ayaa shalay Gaaray Gaalkacyo, waxa uuna ujeedkoodu ahaa qiimeynta Xaaladda Ammaan ee Magaalada iyo hab shaqeydka Ciidamada ka howlgala ee maamulada Puntland iyo Galmudug ka kala socda
