Dhaqaatiir Cuba u dhashay oo ka hadlay amniga Mandheera

Dhaqaatiir u dhashay Dalka Cuba oo ay dowladda Kenya shaqaaleysiisay ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa ay ka shaqeynayeen Magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari dalka Kenya.

Dhaqaatiirtan oo labo ah ayaa ka warbixiyay nolosha iyo amniga Magaalada Mandheera oo ay cabsi darteed uga baxeen shaqaalaha aan degaanka u dhalan ee Kenyanka ah kaddib markii ay dhowr jeer weerarro kala kulmeen AL-shabaab.

Labada Dhaqtar ayaa sheegay in ay Google-ka ka baareen goobta shaqadooda ka hor inta aan la geyn,waxa ugu badan ee ay ku arkeenna ay ahayd af duub hore,qaraxyo iyo weerarro laga qoray degaanka.

Dr Assel Herera Correa oo ah dhaqtarka Cudurrada guud iyo  Dr Landy Rodriguez oo ah dhaqtar ku taqasusay Qalliinka ayaa sheegay in muddad ay joogeen Mandheera si wanaagsan ula qabsadeen.

“wixii iigu horreeyay ee aan sameeyay waxaa ay ahayd,waxaan hubiyay Internetka iyo amaanka degaanka ,aad ayaan uga naxay, dhamaan qaraxyo uun bey ahayd, ma garaneyn wax aan sameeyo, saaxiibadeey waxaa ay ii sheegeen in ay ka xunyihiin gobolka ii soo baxay maaddaa 75 Gobol loo qeybiyay dhaqaatiirta oo dhan”, ayuu  yiri Dr Correa,kaas oo horay uga soo shaqeeyay dalalka Botswana and Venezuela.

Waxaa uu sheegay in degaanka hadda uu amaan yahay islamarkaana uusan wal wal ka qabin Xaaskiisa iyo Gabadhiisa in ay kula biiraan Mandheera,waxaa uu xusay in uu ku faraxsanyahay Barashada Afafka Sawaaxiliga iyo Soomaaliga.

Dr Rodriguez ,ayaa isaguna sheegay in degaanka Cunto wanaagsan leeyahay dhawaanna rajeynayo in uu bilaabo  cunidda Hilibka Ariga iyo Geela .

Waxaa uu sheegay in maalinkiiba uu sameeyo ugu yaraan 10 kiis oo qalliin ah ,caqabadda ugu weynna tahay dhinaca luuqadda ,taas oo iyaga ku qasbeysay in ay Google kaga turjumaan luuqada Ingiriiska iyo Spanish-ka.

Madaxa Isbitaalka Caafimaadka Mandheera Axmed Sheekh Mohamed  ayaa sheegay in dhaqaatiirta u dhashay Cuba ay wax badan ka beddeleen adeegyada Caafimaadka Mandheera .

 

Mustaqbal media

Read Previous

Cuban Doctors Speak About their Two-Week Stay in Mandera, a town near Somalia’s border

Read Next

Taliska Ciidanka isku dhafka ah ee Gaalkacyo oo dalbaday ciidan dheeraad ah.