Taliska AFRICOM oo duqeymo ka fuliyay gobolka Bari

Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa howlgal ka dhan ah Daacish ka fuliyay dhulka Buuraha Gobolka Bari.

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidanka Mareykanka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay xubno ka tirsan Daacish.

“Waxaan dilnay xubno Daacish ah oo halis ku ah xasilinooda Soomaaliya iyo kan gobolka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska AFRICOM.

“AFRICOM waxay sii wadi doontaa iskaashiga dhow ee ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo wiiqo kooxaha xagjirka ah ee halista ku haya shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.

Mareykanka ayaa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ka taageera duqeymaha dhinaca cirka ah ee ka dhaca gobollada dalka.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Cabdirashiid Janan oo sheegay in ay ku soo biireen ciidan ka soo goostay Jubbaland

Read Next

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay go’aanka Dowladda Faransiiska ku aqoonsatay Falastiin