Midowga Afrika oo soo dhaweeyay go’aanka Dowladda Faransiiska ku aqoonsatay Falastiin

Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay go’aanka Faransiiska ku aqoonsaday dowladda Falastiin, iyaga oo dalalka kale ugu baaqay in ay ku dhiiradaan tillaabadaasi.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa soo dhoweeyay hadalka Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, oo muujiyay damaciisa ah inuu aqoonsado Dowladda Falastiin.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay horumar weyn oo loo qaaday dhanka xalka waara, oo dhameystiran oo laga gaaro khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin, iyadoo lagu saleynayo sharciga caalamiga ah iyo qaraarada Qaramada Midoobay.

Guddoomiyaha ayaa mar kale adkeeyay taageerada aan leexleexadka lahayn ee Midowga Afrika ee xal laba-dawladood ah, oo Israa’iil iyo Falastiin ay ku wada noolaanayaan nabad iyo amni.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale dhiirrigeliyay in waddamada kale inay ku daydaan oo ay taageeraan himilooyinka xaqa ah ee shacabka Falastiin.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Taliska AFRICOM oo duqeymo ka fuliyay gobolka Bari

Read Next

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safarro ku maraya dalalka Jabbuuti iyo Itoobiya