MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Sooyaalka Dalalka dhaca Bariga Afrika ee Doorashooyinka qabsaday, kuwa aanay weligood ka dhicin iyo kuwa qorsheynaya sanadka soo socda 2026 ayay isugu jiraan, warbixintaan waxa aan ku eegeynaa dalalkaan sida ay doorashooyinka uga dhaceen kaddib madaxbanaanidooda.
Kenya, waxa ay madaxbannaani qaadatay sanadkii 1963, waxaa doorashadii ugu horreeyay ee Dadweyne ay ka dhacday sanadkii 1969, waa 6 sano kaddib maamulkii talada Dalkaas qabtay, waxaana diiwaanka u gashay sanadkaas.
Uganda, sanadkii 1962dii ayay Madaxbannaanii qaadatay, doorashadii ugu horreysay ee Dadweyne waxa ay ka dhacday isla sanadkaas, waxaana diiwaanka u gashay in isla sanadkaa ay dadkooda codayn u dareereen.
Tanzania, 1961 ayuu dalkaan xorriyad qaatay, sanad kaddib waa 1962 waxaa ka dhacday Doorashada Madaxtooyo ee Dadweyne, sidaas ayayna taariikhda ugu gashay in la calaamadeeyo sanadkaan.
Rwanda, Dalkaan waxa uu madaxbannaani qaatay sanadkii 1962, saddex sanno kaddib waa 1965 waxa uu dadkiisa u dareeray codbixintii ugu horreysay ee lagu soo dooranayay Dowladdii xiligaas lasoo talada la wareegtay.
Burundi, sanadkii 1962 ayuu waxa uu dadkiisa sanaadiiqda codbixinta u dareeneen sanadkii 1965 sida ku xiran xogta kaydsan ee dalkaas, sidaasi ayuu ku galay diiwaanka markii ugu horreysay ee dalkaas doorasho ka dhacdo.
Soomaaliya, waxa ay madaxbannaani ka qaadatay Gumaystihii kala qaybiyay sanadkii 1960, todobo sanno kaddib oo ku beegan sanadkii 1967dii ayay qabsoomtay Doorashadii Golaha Deegaanka, halka tii xigtay ay dhacday 1969kii.
Eritrea, waxa ay Itoobiya ka go’day sanadkii 1993, Dalkaan weligiis kama dhicin Doorasho Dadweyne, waxaa xukunka ku fadhiya Madaxweynaha keliya taariikhda Dalkaas soo maray oo ilaa haatan xukumaya Dalkaan.
South Sudan, sanadkii 2011 ayay ka go’day Jamhuuriyadda Suudaan oo sanado badan siyaasiyiinta kasoo jeeda Koofurta Suudaan u ololaynayeen gooni goosad, dalkaan welibiis kama dhicin doorasho Dadweyne, waxa uu qorshuhu yahay sanadka soo socda 2026 in ay ka dhacdo.
Djibouti, waxa uu gumaystihii Faransiiska ka qaatay madaxbannaanidiisa sanadkii 1977, isla sanadkaan waa 1977 waxaa ka dhacday Doorashadii ugu horreysay ee Dadweynuhu u codeeyaan Dowladda Dalkaas.
Ethiopia, Dalkaan ma lahan sooyaal lagu muujin karo sanadka uu qaatay Madaxbannaani, waxaa muddo dheer haystay nidaamka ku dhisan dhinaca boqortooyada, waxaa xigay nidaamkii ciidanka, markii uu soo dhammaaday 1991dii, 3 sano kaddib oo ah 1994, waxaa ka dhacday doorashadii ugu horreysay ee Dadweyne ee Dowladaha Hoose.
Soomaaliya waxaa shalay ka dhacday Doorasho Dadweyne oo Golaha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir ah, doorashadii shacab ee tan ka horreysay waxa ay dhacday 58 sano kahor, waxaana haatan u dhashay waa cusub.
Mustaqbal
