Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa magaalada Jakarta ee dalka Indonesia kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya (ASEAN), Dr. Kao Kim Hourn.
Kulankaasi ayaa looga hadlay xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo wadamada xubnaha ka ah ASEAN, iyadoo lagu falanqeeyay fursadaha iskaashi ee dhanka Ganacsiga, Waxbarashada iyo iskaashiga guud ee labada dhinac.
Wasiir Cabdisalaam ayaa Xoghayaha Guud u sheegay in ay Soomaaliya ururkaasi ka dooneyso iskaashi sare qaadi kara xiriirka Ganacsi, Siyaasadeed iyo bulsho ee ay la leedahay wadamada Koonfur Bari Aasiya.
Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee ASEAN, Dr. Kao Kim Hourn, ayaa si diirran u soo dhoweeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta xiriirka ay la leedahay ASEAN.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in ururku diyaar u yahay inuu sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ku taallo goob istaraatiiji ah oo ay mudan tahay in laga faa’iideysto.
Mustaqbal
