Maxaa lagu xasuusta 1 Agoosto?

1-da Agoosto waa maalin lagu xasuusto dhacdooyin kala duwan oo saameyn leh sida dhismaha Maamulka Puntland, geeridii Jeneraal Ceydiid iyo Guddoomiyihii gobolka Banaadir, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Maamulka Puntland oo la aas aasay 1 Agoosto 1998 ayaa maanta xasuusanaya halgalka adkaa ee dhismaha dowlad goboleedka oo saldhig u noqday nidaamka Federaalka Soomaaliya.

27 sano ka hor ayay aheyd markii shir ka dhacay magaalada Garoowe ay ku kulmeen ergooyin ka kala yimid gobollada Bari, Nugaal, Waqooyiga Mudug, Sool iyo Sanaag (galbeedkooda laga reebay), iyo Buuhoodle oo markaas ka tirsaneyd gobolka Togdheer.

Maamulka ayaa sanadkan wajahaya dagaalka Daacish, khilaafka dowladda Federaalka iyo saameynta sharci ee dhismaha dowlad goboleedka cusub ee Waqooyi Bari.

Dhanka kale, 1-da Agoosto waxay sidoo kale tahay maalintii uu geeriyooday Gen. Maxamed Faarax Caydiid (1996), oo kamid ahaa saraakiishii hoggaaminayay dagaalkii lagu riday Madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre.

Geeridiisa waxaa laga xusaa gudaha dalka, iyadoo uu weli yahay shaqsi taariikhi ah.
Sidoo kale, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho, ayaa geeriyooday 1-da Agoosto 2019, kaddib dhaawac ka soo gaaray qarax 24-kii July isla sanadkaas. Dowladda Soomaaliya ayaa u sameysay aas qaran, waxaana Garoonka Koonis loogu magac daray si loo xasuusto.

Yariisow wuxuu siyaasadda kusoo biiray isagoo ku sugan London, wuxuuna ka mid noqday dowladihii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif, isagoo soo noqday Wasiirka Warfaafinta iyo Afhayeenka Madaxtooyada.

1-da Agoosto waxay astaan u tahay dhacdooyin taariikhi ah oo isugu jira aas-aaska maamul goboleedka Puntland iyo geerida halyeeyo Soomaaliyeed.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Ciidanka Danab oo howlgallo oo howlgallo ka billaabay gobolka Shabeellada Hoose

Read Next

Soomaaliya oo iskaashi la sameysaneysa dalalka Koofur Bari Aasiya