Soomaaliya oo 2027 ka qabsoomaysa Doorasho Dadweyne oo heer Federaal ah  

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in sannadka soo socda 2027 in dalka ay ka dhacayso Doorasho Dadweyne oo heer Federaal ah laguna soo dooran doonno Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Shirka Golaha Wasiirrada uuna shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu xoojiyay in la dardargeliyo hannaanka lagu qabanayo Doorashadaas Qof iyo Codka ah si looga gudbo Doorashooyinkii dadbanaa ee muddo wax lagu soo dooranayay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in uu dhaqangalay Dastuurka Dalka sidaas awgeed la dhammaystiri doonno waajibaadka uu saarayo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Xamsa ayaa sidoo kale shaaciyay in muddo labo bil ah uu guddi gaar ah kasoo shaqayn doona kala saarista Goleyaasha Sharci dejinta iyo Fulinta Dalka si loo kala reebo Xilalka Xubnaha Xukuumadda Katirsan haddana ah Xildhibaananda Baarlamaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Doorasho Dadweyne ka qabatay Gobolka Banaadir, Maamul Goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle, waxa ay ku adkaysatay in guud ahaan dalka ay ka qabanayso doorashadaas qof iyo codka ah.

Xubno mucaaradsan Doorashadaad qof iyo codka ah ayaa jira iyaga oo diidmadooda ku xoojiyay in aanay loo dhammayn isla markaana kuraasta lagu tartamayo intooda badan ay u janjeeraan dhinaca Dowladda sida ay ku doodeen xubnahaas.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxkamadda Sare oo go’aan ka soo saartay doorashadii ku-celiska ahayd ee Galmudug

Read Next

Jadwalka Dhaarinta, Doorashada Guddoonka Wakiillada Galmudug, Hoggaamiyaha & ku xigeenkiisa oo lasoo saaray