Midowga Yurub oo ka walaacsan cudurka laga helay Lo’da Namibia

Midowga Yurub ayaa ka walaacsan cudurka ka dilaacay Namibia ee Lo’da uga dhaca Afka iyo Lugaha maadaama Dalalka ku bahoobay ururkaas ay dhoofsan jireen Hilibka Lo’daas oo la diyaariyay sida ay ku warrameen mas’uuliyiin kala duwan.

Inkasta oo Midowga Yurub uu maalmo kahor uu si kumeel-gaar ah u joojiyay hilibkaas haddana waxaa jira baahi ay u qabaan in ay dib u helaan iyada oo weli ay jirto cabsi ay ka qabaan in uu cudurkaas ku dhex faafo ama uu dadku usii gudbo.

Dalka Namibia waxa uu kamid yahay Dalalka Afrika ee sida weyn looga dhaqso Lo’da, waxa uu dalkaas haystaa suuqa waddamo badan oo Yurub ah oo si joogta ah looga dhoofiyo Hilibka Lo’da oo la diyaariyay laguna riday qaboojiye.

Haatan waxaa laga walaacsan yahay in dhaaqaalaha Dalkaas uu hoos u dhaco taasi oo saamayn karta dadka dhaqda oo hadda ku mashquulsan raadinaya hannaankii ay ku garan lahaayeen cudurka cusub iyo waxa ay lo’du ka qaadday.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Golaha Shacabka BFS oo ansixiyay Xeerka la dagaalanka Kufsiga & Anshax xumada