Maxkamadda CQS sidee ayay ula falgashay Kiiska Qaraxii Soobe ka dhacay 2017?

Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Janaraal Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Maxkamaddu ay xaalado kala duwan ku wajahday Kiiska qaraxii Soobe 1 ee dhacay 14kii October sannadkii 2017.

Shuute ayaa sheegay in Markii uu kiiska dhacay kaddib uu Xafiiska Xeer ilaalinta oo kaashanaya Hay’adaha kala duwan ee Dowladda ay billaabeen raadraaca qaraxaas ilaa markii dambe lasoo qabtay Nin hagayay oo ahaa darawalka hoggaamiye katirsan AS

Kiiska oo Maxkamadda soo gaaray labo bil kaddib markii uu qaraxa dhacay ayuu sheegay in AS ay isku dayeen in lagu baajiyo tallaabo weliba isaga oo tusaale usoo qaatay in xitaa Abaabihiis Cali Nuur Shuute loo dilay si fadhiga Kiiskaas lagu qaadayo loo baajiyo.

“Dhacdadaas in la damiyo iyada oo la rabo ayay sababtay falal kale, Nimankii Argagixisada ahaa waxa lagu guullaystay in la qabto qof hagayay oo ah qof aysan inkiri Karin maadaama uu mar darawal u soo noqday horjoogaha hadda jooga, Aabahay ayaa loo dilay si loo baajiyo dhageysiga ninkii hagayay qaraxii Soobe” Sidaasi waxaa yiri Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee CQS.

Waxa uu intaas ku daray in ku biirista waxa loogu yeero Argagixisada ay jiraan sababo badan sida tabashooyinka siyaasadda iyo dhibaatooyinka dhaqaalaha sida uu hadalka u dhigay Guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute.

“Tabashooyinka Siyaasadda & Dhibaatooyinka Dhaqaalaha waxa ay kamid yihiin waxyaabaha Sababa in qofka uu ku dhaco dhibaato Argagixiso.” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Maxkamada Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida, Janaraal Xasan Cali Nuur Shuute.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Sidee ayay Dalalka ku midaysan EAC ugu kala sarreeyaan dhaqaalaha kasoo gala Waxsoosarka Gudaha?

Read Next

Golaha Shacabka BFS oo ansixiyay Xeerka la dagaalanka Kufsiga & Anshax xumada