XFS oo soo dhoweysay jadwalka ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka
Golaha Shacabka Baarlamanaka 11aad ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Xeerka la dagaalanka Kufsiga iyo Anshax xumada oo fadhiyadii u dambeeyay doodo la xiriira qodobada ku jira xeerkaas ay is dhaafsadeen Xildhibaanno katirsan Golahaas.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo codayn geliyay Hindise sharciyeedkaan oo horay u maray aqrinta koowaad, labaad iyo saddexaad oo sida sharciga ah in codayn lagu ansixiyo ama lagu diido.
Fadhiga guud ee Baarlamaanka oo ahaa 140 Xildhibaan, ayaa natiijada codaynta kasoo baxday noqotay 132 Mudane aya ogolaatay, 5 aamustay halka ay diideen 3 Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ku dhawaaqay natiijadaas.
Soomaaliya waxa ay kamid tahay Dalalka ay ka dhacaan kiisaska kursiga uu kamid yahay, qaar kamid ah Kiisaskaas ayaa lagu xaliyaa Maxkamad halka kuwo kale si hoose ay u xaliyaan ehellada Dhibbanaha iyo kuwa kufsiga gaysta.
Mustaqbal
