XFS oo soo dhoweysay jadwalka ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo uu shaaciyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
War-saxaafadeed ay soo saartay Xukuumaddu ayay ku sheegtay in jadwalku yahay tallaabo muhiim ah oo lagu hirgelinayo geeddi-socodka doorashooyinka laguna xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadda dalka.
Xukuumaddu waxay sidoo kale sheegtay inay 18-kii bilood ee la soo dhaafay waday dadaallo wadatashi iyo wada-xaajood oo lala yeeshay dhinacyada Soomaaliyeed, iyadoo xustay in dadaalladaasi ay sii socon doonaan si loo gaaro is-afgarad ballaaran.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka


Mustaqbal
