Maxkamadda Sare oo go’aan ka soo saartay doorashadii ku-celiska ahayd ee Galmudug
Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, qeybta doorashooyinka, ayaa go’aan ka soo saartay doorashadii ku-celiska ahayd ee Golaha Wakiillada Galmudug, taas oo dhacday 30-kii Sebtembar 2026.
Doorashada oo lagu tartamay 89 kursi ayaa waxaa ka qeyb qaatay 149,475 codbixiye.
Maxkamadda ayaa dhageysatay faahfaahin ay soo bandhigeen Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, taas oo la xiriirtay doorashada iyo natiijooyinkeeda.

