Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay safiirrada dalalka Carabta

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qaabilay safiirrada dalalka Carabta ee Soomaaliya u fadhiya, kuwaas oo kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka walaaltinimo iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay safiirada wadashaqeynta diblumaasiyadeed ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Dalalka Carabta.
Sidoo kale, Safiirada ayaa tilmaamay in ay sii xoojin doonaan iskaashiga dhinacyada nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cunaqabatayn saartay Laftagareen, Taliye Shub iyo 8 ruux oo kale

Read Next

Maxkamadda Sare oo go’aan ka soo saartay doorashadii ku-celiska ahayd ee Galmudug