Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada hadlay ka faa’iideysiga iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska dalka

Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga suurtagalka ah ee qaybta shidaalka iyo gaaska.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay horumarinta iskaashiyo ballaaran oo ka taageera xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa muujiyay sida labada dhinac ay uga go’an tahay sii xoojinta wada-shaqeynta istiraatiijiga ah iyo in la abuuro fursado cusub oo horumarineed oo faa’iido u leh labada dal.

Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Soomaaliya oo war ka soo saartay heshiiska nabadeed ee ay gaareen DRC Congo iyo Fallaagada M23

Read Next

Ra’iisul wasaare Xamse oo dhageystay warbixinno la xiriira doorashada qof iyo codka ah