Ra’iisul wasaare Xamse oo dhageystay warbixinno la xiriira doorashada qof iyo codka ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay shir lagu gorfeynayey dhammaystirka hawlaha doorashooyinka Dowladaha Hoose ee dhawaan lagu qaban doono dalka.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen wasiirrada wasaaradaha sida tooska ah ugala shaqeeya hawsha doorashooyinka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyo Taliyaha Booliiska, ayaa lagu dhageystay warbixin dhammaystiran oo ay soo bandhigeen Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in diyaar garowgii doorashada uu meel wanaagsan marayo, isla markaana dhammaan adeegyada la diyaariyey si si hufan oo amni leh loo qabto doorashada Dowladaha Hoose.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay guddiga iyo hay’adaha ku shaqada leh dadaalkooda, isaga oo adkeeyay in Xukuumadda ay ka go’an tahay hirgelinta doorasho Qof iyo Cod ah, iyadoo tallaabada ugu horreysa lagu bilaabayo doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada hadlay ka faa’iideysiga iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska dalka

Read Next

Dowladda Soomaaliya oo soo kordhisay nidaam casri ah oo lagu oggaan karo Markaakiibta imaanaya Dekadaha dalka.