Soomaaliya iyo Suudaan oo iska kaashanaya dhinaca dhaqaalaha

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa maanta la kulmay Safiirka Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Cabdiraxmaan Khaliil.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo sidii loo hormarin lahaa iskaashiga dhaqaale ee labada dal, iyagoo carrabka ku adkeeyey la hirgeliyo dib-u-habeynta maaliyadeed ee ka wada faa’iideyn doonta shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Suudaan.

Wasiir Biixi ayaa xusay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay sii laba jibaarto dadaallada lagu kobcinayo dhaqaalaha, halka Safiirka Suudaan uu dhankiisa balan qaaday in dalkiisu diyaar u yahay taageeridda iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee labada dal ee walaalaha ah.

Kulankan ayaa ku soo aadaya Soomaaliya iyo Suudaan ay xiriir soo jireen ah la haayeen sanado badan, wallow duruufo siyaasadeed iyo mid dhaqaale wajahayaan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweyne Xasan Shiikh oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Midowga Yurub iyo Nederland.

Read Next

Shiinaha oo soo bandhigay cudud ciidan iyo hub casri ah