Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in uu maanta ka dhoco Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.
Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa booqasho ku jooga degaannada Puntland isaga oo halkaas tagay bartamihii todobaadkan.
Safarka Ra’isalwasaaraha oo u jeedkiisu ahaa ka qeybgalka munaasibadda sanadguurada 20aad ee Puntland ayaan dhicin iyada oo Madaxweynaha Puntland uu ku sababeeyay dagaallada ka socda degaanka Tukaraq darteed in loo joojiyay.
Dhamaan Xubnaha Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa xalay ku hoyday Garowe waxaana ay halkaas maanta ku yeelanayaan shirka todobaadlaha ah ee maanta oo kale la qabto.
Golaha Wasiirrad ayaa joray shirarkooda todobaadlaha ah ku qabtay Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhaba,iyada oo Garowe ay noqoneyso caasimadda saddexaad ee dowlad goboleedyada oo shirkan marti gelisa.
Waxaa la filayaa iyana in Xraumaha Maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle ee Dhuusamareeb iyo jowhar ay iyana markooda marti geliyaan.
