Nin xalay wiil ku dilay Gaalkacyo oo Booliska isu dhiibay

Wiil Dhallinyaro ah oo xalay Fiidkii dil ka geystay maagaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa isu dhiibay Booliska isaga oo qirtay in falkaas dilka ahaa isaga geystay.

Wiilkan ayaa markii ay Booliska weydiiyeen sababta waxaa uu sheegay in dilka uu ahaa mid Kama’ ah oo uusan kas u diln.

Magaalada Gaalkacyo waxaa xalay lagu dilay wiil lagu magacaabo C/kaafi Yusuuf oo ka mid ahaa Ganacsatada Magaalada

Dhimashada Wiilka ayaa timid markii labo ka mid ah Bajaajlayaasha Magaalada uu Khilaaf dhexmaray iyada oo xabad lagu ridayna ay sababtay dhimashada C/kaafi Yusuuf.

Xilliga ay Xabadda ku dhaxeysay C/kaafi Yusuuf,waxaa Gaariga la saarnaa aabbihii Yuusuf,Booliska ayaa hadda saldhigga ku haya Ninka wax dilay oo aanay magaciisa sheegin.

Mustaqbal media

Read Previous

Shirka Golaha Wasiirrada Somaliya oo maanta ka dhacay Garowe

Read Next

Xasan Sheekh oo Dowladda Somaliya ugu baaqay in ay dib u eegto mowqifkeeda Eritrea