Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca
Magaalada Garowe waxaa maanta ka furmaya shirka Golaha iskaashiga dowlad Goboleedyada,waxaana halkaas ku sugan madaxweynayaasha afar ka mid ah Maamul Goboleedyada ku midoobay Golahaas.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas oo shirka marti gelinaya ayaa sheegay in shirkan xoogga lagu saarayo amaanka dalka ee sii xumaanaya, dib u eegista Dastuurka,doorashooyinka 2020ka iyo ajendayaal kale oo uu sheegay in ay war-murtiyeedka ku soo bixi doonaan.
Waxaa la fahamsanyahay in shirkaasi waxyaabaha looga hadlayo ay ka mid tahay eedaha ka dhanka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee la xiriira hab la dhaqanka Maamul Goboleedyada.
Shirkan waxaa ka maqan Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo Guddoomiye ku xigeen ka ahaa Golahan iyada oo uu Muqdisho ka sheegay in go’aanka u danta ah dadka Hirshabeelle uu qaatay sidaasna uga haray.
