Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod
Shir Madaxeedka u dhaxeeya Madaxweynayaasha Dalalka Afrika iyo China ayaa maanta ka furmaya Magaalada Beijing ee Caasimadda Dalka China.
Shirkan oo looga hadlayo xiriirka dhaqaala,iskaashiga,maalgashi iyo amaanka ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Isniin ah ka furmo Magaalada Beijing.
in ka badan 40 Hoggaamiye oo ka socda Qaaradda Afrika ayaa ku sugan Beijing,waxaana ay maalmihii la soo dhaafay kulamo horudhac ah la lahaayeen Madaxda dalka China.
Dhinaca Soomaaliya waxaa shirkan uga qeybgelaya Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo.
Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah Wasiirro waxaana ay la kulmeen dhiggooda Chinaiyaga oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah.
Shirkan oo soconaya labo maalmood waxaa la soo gaba gabeynayaa maalinta Berri ah ee ay Taariikhdu ku beegan tahay 4ta September.
