Sawirro: Jubaland oo Calanka Federaalka surtay Guriga martida ee Kismaayo

Iyada oo Magaalada Kismaayo maanta uu ka furmayo shirka dowlad Goboleedyada Soomaaliya,ayaa waxaa Maamulkaasi uu Calamada dowlad Goboleedyada ka mamnuucay halka uu ka dhacayo SHirka.

Image may contain: sky, car and outdoor

Calanka Soomaaliya oo kaliya ayaa la suray meelkasta oo ka mid ah Guriga Martida oo uu ka dhacayo shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada,waxaana la arkeyn calamada dowlad Goboleedyada oo markii hore lagu safi jiray guriga.

Image result for Guriga Martida ee JUbaland

Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa mar sidan oo kale sameeyay,hayeeshee markaas waxaa ay ahayd kaliya hoolka ay ku shirayeen gudahiisa.

Image may contain: sky, stripes and outdoor

Waxaa Calanka Soomaaliya lagu wareejiyay Guriga Martida ee uu shirka ka dhacayo,waxaana arrintan aad loogu soo hadal qaaday baraha Bulshada.

Dadka qaar ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu ka duwanyahay Madaxweynayaasha kale ee dowlad Goboleedyada,halka kuwo kale ay sheegayaan in uu ka leeyahay dano siyaasadeed oo qarsoon.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Shirka China iyo Afrika oo maanta ka furmaya Beijing.

Read Next

Khilaaf ka taagan ku dhawaaqidda Wasiirrada cusub ee Galmudug