Shinni ay dil ku xukuntay UK oo baxsatay iyo Turkiga oo magangalyo u ballan qaaday

Shinni ay Dowladda UK ku xukuntay dil ayaa waxaa ay u baxsatay Dalka Turkiga,waxaana dowladda Turkiga u oggolaatay in inta ka dhiman nolosheeda ay ku dhameysato dalka Turkiga.

Shinnidan ayaa ka tirsan qoyska Osmia Avosetta faraca Shinni mason, waxaa ay Dalka Turkiga ka raacday Qoys ka soo jeeda Bristol oo dhawaan dib ugu laabtay UK, kuwaas oo ay soo raacday Boorsadooda.

Ururrada Xannaanada Shinnida iyo Waaxda degaanka Dowladda UK ayaa sheegay in shinnidaas ay virus ku ridi karti shinnida UK loona baahanyahay in la dilo.

Ururrada ayaa Shinnidan ku eedeeyay in ay ka tiro badan karto Shinnida UK, cuntada ka dhameyn karto, kuna ridi karto cudurro kale.

Dowladda UK, ayaa amar ku bixisay in la soo qabto lana dilo,laakiin waa la waayay, iyada oo ilaa hadda aan la ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigtay.

Markii uu amarkaas ka soo baxay Qoyska Reer Bristol, ayey sheegeen in Shinnidii ku nooleyd Gurigooda ay baxsatay islamarkaana aysan ogeyn halka ay qabatay.

Dowladda Uk ayaa ka dalbatay dadkeeda in ay hay’adaha xannaaneeya Shinnida ku wargeliyaan haddii ay arkaan shinni aan ahayn midda laga yaqaanno UK.

Wargeyska Hurriyet ee ka soo baxa Dalka Turkiga ayaa sheeko uu daabacay ciwaan uga dhigay, “ha dilin shinnida Turkiga”.

Ururrada SHinnida Turkiga ayaa sidoo kale dalxiisayaasha ku eedeeyay in ay xaalufinayaan xayawaannada Dalka Turkiga.

Isha:EviningStandard.

Web master

Read Previous

Madaxweyne Farmaajo oo iska celiyay dhalashadii 2aad ee uu ka heystay Mareykanka

Read Next

Shirka Sanadlaha ah ee Guddiga fulinta SOMA oo maanta ka furmay Muqdisho.