Shaqaalaha Soomaalida ee ka shaqeeya Xerada Xalane oo loo diiday in ay shaqo galaan,Sawirro

Mustaqbal Radio.

Shaqaalaha Soomaalida ah ee ka shaqeeya Xerada ugu weyn Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaan maanta shaqo gelin kaddib markii loo diiday in ay xeradaasi galaan.

Shaqaalaha oo tuban bannaanka Iridda hore.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha ayaa la arkayay iyaga oo tuban Banaanka hore ee Iridda laga galo Xerada Xalane halkaas oo loo sheegay in aysan geleynin xerada gudaheeda.

Qaar ka mid ah shaqaalaha oo iska wareysanaya sababta looga xiray Albaabka.

Warar xog ogaal ah oo ay heshay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegaya in arrintan ay ka dhalatay digniin dhinaca amaanka ah oo dhawaan loo diray shaqaalaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Muqdisho.

Shaqaalaha Soomaalida ah ee ka shaqeeya xerada Xalane.

Waxaana Maanta lagu wargeliyay Shaqaalaha Soomaalida ah ee halkaasi ka shaqeeya in aysan shaqo galayn.

Qaar ka mid ah shaqaalaha oo ka soo laabtay Iridda hore ee Xerada Xalane.

Todobaadkii hore Hay’adaha Qaramada Midoobey ee Muqdisho ayaa soo saaray farriin dhinaca amaanka ah oo ay ku sheegeen in Muqdisho ay ku jiraan Gawaari ay ka buuxaan Wlaxaha qarxa kuwaas oo lala beegsanayo dadka Ajanabiga ah, Xarumaha dowladda Soomaaliya iyo meelaha dadku ku badanyahay.

 

Web master

Read Previous

Shaqo Bannaan

Read Next

Ra’islawasaare Kheyre oo sheegay in heshiiskii ugu dambeeyay ee deyn Cafinta dhawaan la saxiixayo