Shan muwadiniin Mareykan ah oo saacado lagu xiray Hargeysa

Ilaa shan muwaadin oo Mareykan ah ayaa muddo saacado ah lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, kaddib markii lagu eedeeyay inay khatar ku yihiin amniga deegaannada Waqooyi Galbeed.

Muwaadiniintan ayaa markii dambe la sii daayay, kaddib markii ay su’aalo weydiiyeen laamaha amniga. Si kastaba, weli lama faahfaahin sababta rasmiga ah ee loo xiray iyo dhaqdhaqaaqyada ay ka wadeen deegaannadaas.

Laamaha amniga ayaan weli si faahfaahsan uga hadlin dhacdadan.

Xiriiro lala sameeyay Saraakiisha Sirdoonka Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dhacdadan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Halkee ayay ku dambaysay awoodii Golaha Wadatashiga Qaranka?

Read Next

Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in lagala shaqeeyo la wareegida masuuliyadda amniga