Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale u taagan Xilka uu hayo ee dalka ugu sarreeya isaga oo u tartami doonno markiisii 4aad oo saddexdii jeer ee horay labo kamid ah ku guullaystay Xilkaan

Sida uu caddeeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah musharrixiinta u xusul duubaysa raadinta Xilka uu hadda hayo ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cali Balcad oo Wareysi gaar ah siiyay Teleefishinka Aljazeera ayaa tilmaamay in Madaxweynuhu uu xaq u leeyahay in uu kamid noqdo musharrixiinta isaga oo dalka soo maamulay labo muddo xileed oo wadarta isu gayntoodu noqonayso 9 sano.

“Madaxweynaha xaq ayuu u leeyahay inuu tartamo sida ku xusan Dastuurka, wuxuu leeyahay qorshayaal cad iyo barnaamijyo badan oo uu doonayo inuu dhammaystiro,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad oo ka jawaabay su’aal uu waydiiyay Wariye katirsan Aljazeera.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cali Cumar Balcad ayaa wareysigaan ku sheegay qorshaha siyaasadeed uu doonayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo damabciisa ku aadan u tartamidda markii 4-aad ee xilka madaxweynaha oo laba ka mid ah ku soo baxay doorashada.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Itoobiya oo sheegtay in ay martigeliyay dhallinyaro kasoo baxsatay Tigray

Read Next

Halkee ayay ku dambaysay awoodii Golaha Wadatashiga Qaranka?