Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in lagala shaqeeyo la wareegida masuuliyadda amniga
Golaha Wadatashiga Qaranka oo muddooyinkii dambe ahaa madashii ugu sarreysay ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada kulmisa ayna kaga arrinsan jireen arrimaha masiiriga ah ee dalka, ayaa wajahaysa isbeddel weyn oo ku yimid doorkeediii siyaasadeed, awoodeeda iyo isku-duubnidii madaxda ka qeyb geli jirtay shirarka.
Golahan ayaa ka kooban Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo shirguddoomiya shirarka, waxaa kala qeyb gala xubnaha kala ah; Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre, ku-xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Golaha waxa uu ahaa madal ay madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ku gaari jireen go’aanno wadajir ah oo la xiriira amniga, siyaasadda, dastuurka, doorashooyinka iyo hannaanka dowlad-dhiska dalka.
Kala fogaanshaha madaxda iyo maqnaanshaha Puntland iyo Jubbaland
Kala fogaanshaha siyaasadeed ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa si weyn u saameeyay shaqadii Golaha. Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ka maqnaada madasha, kaddib markii uu xumaaday xiriirkii siyaasadeed ee dowladda federaalka kala dhexeeyay maamulkiisa, isaga oo ka baxay Golaha bishii Janaayo 2023.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa isna xiriirkii wada shaqeyneed ee dowladda federaalka kala dhexeeyay xumaaday, kaas oo salka ku haya khilaaf sii xoogeysanayay ee arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.
October 2024 Axmed Madoobe ayaa isaga baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, halka November 2024 uu maamulkiisa Kismaayo ku qabtay doorasho markale loogu caano shubay Madoobe, balse dowladda federaalka ayaa qaadacday, taas oo sii xoojisay khilaafka labada dhinac, waxaana markii dambe dhacay iska horimaadyo militari oo sababay in ciidamada dowladda ay magangalyo waydiistaan dowladda Kenya, ka gadaal markii ay ka tallaabayn xadka labada dal.
Maqnaanshaha madaxdaan ayaa dhaawacay matalaaddii iyo awooddii siyaasadeed ee Golaha, maadaama laba ka mid ah maamullada federaalka aysan qeyb ka ahayn wada-tashigii guud ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
Kulamadii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatiga Qaranka
Horraantii May 2025 ayuu Muqdisho ka qabsoomay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee madaxdu si toos ah isugu hor fariistaan. Shirka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac, madaxda maamullada; Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, iyo guddoomiyihii gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Amiir.
Puntland kama qeybgelin shirka, halka Jubbaland aan lagu darin ka qeybgalayaasha. Sidaas darteed kulankaasi waxa uu ahaa mid aanay ku wada joogin dhammaan madaxda dowlad goboleedyada.

Markii xigtay 24-kii Janaayo 2026, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay shir kale oo Golaha ah, kaas oo lagu qabtay habka fogaan aragga. Waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, madaxda maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Waqooyi Bari, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Shirkaas ayaa diiradda lagu saaray amniga, dagaalka Al-Shabaab iyo diyaargarowga doorashooyinka. Waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay in shir kale la qaban doono 1-da Febraayo 2026, balse ma suuragalin in ay qabsoomta gogoshaan.
Si kastaba kulanka Janaayo wuxuu ahaa shir fogaan-arag ah kaas oo noqday kii ugu dambeeyey ay yeeshaan madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, halka kulankii May 2025 uu ahaa kii ugu dambeeyay madaxda si toos ah isugu yimaadeen.
Isbeddelka hoggaanka dowlad goboleedyada iyo hannaanka dastuurka
Dib-u-eegista iyo wax ka beddelka dastuurka ee la ansixiyay Maarso 2026 ayaa sii murjiyay khilaafka siyaasadeed, gaar ahaan habka doorashooyinka iyo awoodaha hay’adaha dowladda. Mucaaradka iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa diiday hannaanka dowladda, iyaga oo ku doodaya in isbeddellada waaweyn ee dastuurka iyo doorashooyinka ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Dhanka kale, doorashooyin iyo isbeddello hoggaamineed ayaa ka dhacay dowlad-goboleedyada qaarkood. Koonfur Galbeed waxaa hoggaanka la wareegay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kaddib markii Cabdicasiis Laftagareen uu xilka ka tagay, ka gadaal markii uu qabsaday doorasho, taas oo sababtay in dowladda ay ku cadaadisa in uu isaga baxo Baydhabo, iyada oo markii dambe dowladda ku eedaysay in uu gacan saar la lee yahay Al-Shabaab, ugu dambeyn saartay cunaqabatayn maaliyadeed.
Galmudug waxaa 22-kii Oktoobar 2026 hoggaamiye loogu doortay Liibaan Axmed Xasan, kaas oo xilka kala wareegay Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa dib loo doortay, inkasta oo doorashadiisa ay muran iyo cabasho ka muujiyeen qaybo ka mid ah bulshada gobolka Hiiraan.
Isbeddelladaan ayaa beddelay xubnaha iyo hoggaanka maamullada qaarkood, iyaga oo saameyn ku yeeshay qaabkii hore ee Golaha iyo xiriirka siyaasadeed. Isbadalka kaliya muusan saameen madaxda xitaa waxa uu saameeyay qaabka doorasho ay ku yimaadeen iyo magaca loogu yeeri jiray mas’uulka ugu sarreeya maamulka, oo halkii madaxweynaha laga oran jiray lagu badalay hoggaamiye.
Wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka
Golaha Wadatashiga Qaranka isaga oo wajahayay kala fogaanshaha madaxda, waxaa billowday hannaan kale oo wadahadal ah oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kaas oo ah hindise u gaar ah dowladda hadda jirta.
19-kii Febraayo 2026, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Villa Somalia kula kulmay xubno ka socday Golaha Mustaqbalka, oo ay ku jiraan siyaasiyiin mucaarad ah iyo hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland. Kulankaas waxaa looga hadlay xaaladda dalka iyo jihada doorashooyinka soo socda.
May iyo Luulyo 2026 waxaa mar kale wada hadallo dhexmaray dowladda federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo ay fududeeyeen Qaramada Midoobay, Turkiga, Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub. Hase yeeshee, dadaalladaas ma keenin horumar muuqda oo lagu xalliyo khilaafaadka ku saabsan dastuurka, muddo-xileedyada hay’adaha dowladda iyo hannaanka doorashooyinka.
Dowladda federaalka ayaa sheegtay inay weli diyaar u tahay wada-hadal, iyadoo wasiirka warfaafinta, Cabdifataax Qaasim uu Sebtembar 2026 sheegay in wada-hadalladii hore lagu gaaray is-afgarad arrimo qaarkood ah, balse ay jiraan qodobo kale oo weli u baahan wadaxaajood.

Mucaaradka gaar ahaan Golaha Mustaqbalka ayaa dhankooda ku adkeysanaya in khilaafka lagu xalliyo hannaan dhexdhexaadin caalami ah leh, isla markaana la helo heshiis siyaasadeed oo dammaanad qaadaya in dhinacyadu u hoggaansamaan wixii lagu heshiiyo.
Beesha caalamka iyo dadaallada dhexdhexaadinta
Beesha caalamka ayaa door muuqda ka qaadatay isku dayada lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya. Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Turkiga ayaa qeyb ka ahaa dadaallada dhexdhexaadinta, halka Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gobolka ay marar kala duwan ku baaqeen in dhinacyadu wadahadal ku xalliyaan khilaafaadka.
Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay Oktoobar 2026 ayay ku sheegtay in wada-hadalladii ay fududeeyeen saaxiibbada caalamiga ah ee bilihii May iyo Luulyo aysan keenin horumar la taaban karo. Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in khilaafka ku saabsan muddo-xileedyada hay’adaha federaalka iyo qaabka doorashooyinka uu weli yahay caqabad weyn.
Dhanka kale, 31-kii Oktoobar 2026 waxaa soo dhammaaday hawlgalkii siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), iyadoo aan weli la isku raacin hannaan beddelaya doorkii siyaasadeed ee hawlgalkaas, gaar ahaan dhinaca fududeynta khilaafaadka siyaasadeed.
Wadahadalladii 14-ka Nofeembar oo furmi waayay
Dadaalkii ugu dambeeyay ee dowladda federaalku ku doonaysay in ay isugu keento dhinacyada siyaasadda ayaa ahaa shir wadatashi qaran oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay in Muqdisho lagu qabto 14-18-ka Nofeembar 2026.
Shirka waxaa lagu casuumay Golaha Mustaqbalka, Nabad iyo Nolol, Madasha Midnimada Qaranka iyo dalladda bulshada rayidka ah, si looga wada hadlo doorashooyinka federaalka iyo arrimaha dastuurka.
Hase yeeshee Golaha Mustaqbalka ayaa diiday in uu ka qeyb galo wadahadallada lagu qabanayo Villa Somalia, iyaga oo ku adkeystay in wadaxaajoodyada ay fududeeyaan dhinacyada beesha caalamka oo horey u dhexdhexaadinayay dowladda iyo mucaaradka.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa 14-kii Nofeembar sheegtay in xiriirku weli ka socdo dhinacyada la casuumay, isla markaana shirka la furi doono marka diyaargarowgu dhammaado, taas oo keentay in uusan furmin waqtigii loo qorsheeyay.
Xaggee ayay ku dambaysay awooddii Golaha Wadatashiga Qaranka?
Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ahaa madal ay madaxda ugu sarreysa dalka ku gaari jireen go’aanno siyaasadeed oo saameyn ku leh jihada dalka. Hase yeeshee, maqnaanshaha qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada, khilaafka dastuurka, doorashooyinka iyo muddo-xileedyada hay’adaha dowladda ayaa wiiqay awooddii uu ku lahaa isu-keenidda madaxda iyo dhisidda go’aan siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Waxaa muuqata in doorkii siyaasadeed ee madasha uu qeyb ahaan u wareegay shirar iyo wadahadallo kale oo u dhexeeya dowladda, mucaaradka iyo beesha caalamka oo kaalin ku leh kulamada labada dhinac. Si kastaba wadahadalladaas weli ma aysan dhalin heshiis guud oo lagu xalliyo khilaafka taagan.
Golaha ayaa dheelitir ku sameen jiray awoodda dalka, iyaga oo ka hortagi jiray in awooda xukunka ay gacan u gasho koox gooni ah, waxa ay door firfircoon ka qaateen wadahadalladii 2021 ee dalka loogu jiheeyay doorashadii May 15, 2022, kana hor tagtay muddo kororsigii ay samaysay dowladdii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxaa hadda la baadi goobayaa sidii GWQ uu dib ugu noqon lahaa madashii ay madaxda dalka ku gaari jireen go’aannada masiiriga ah, isla markaana ay ku xallin jireen khilaafaadka siyaasadeed ee taagan, kaas oo horseedi jiray go’aannada lagu jiheen jiray dalka.
_______________________________________________________________________
WQ: Cabdinuur Ciise Badri, Agaasimaha Guud ee Mustaqbal Media
Gmail: badri4am@gmail.com
Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Mustaqbal Media
