Shacabka Tanzania oo u dareeray Doorashada Madaxtinimmo & tan Baarlamaanka Dalkaas

Shacabka Tanzania ayaa maanta oo Arbaco ah u dareeray goobaha codbixinta ee doorashada Madaxtinnimada iyo tan Baarlamaanka Dalkaas, waxaa is diiwaangeliyay 37 Milyan oo qof sida uu sheegay guddiga maamulaya Doorashadaas.

Doorashooyinkaan isku sidkan waxaa xubnaha tartamaya kamid ah Madaxweynaha hadda talada Dalkaas haysa ee Samia Suluhu oo doonaysa in ay markale ku guulaysto xilka hoggaamiyaha ugu sarreeya Dalkaas.

Waxaa isha lagu hayaa natiijada kasoo bixi karta doorashadaan, dadka kala taageersan musharrixiinta ayaa mid weliba is lahaysiinaya libinta ku xiran natiijadaas la sugayo in lagu dhawaaqo marka la codeeyo kaddibna la tiriyo.

Samia Suluhu Hassan, waa 65 jir Madaxweyne ku xigeen kasoo noqotay Dalkaas, waa haweeneydii ugu horreysay ee Madaxweynaha Tanzania noqotay, waxa ay taageerayaasheeda ugu baaqday in ay codka siiyaan si ay markale dalka u maamusho.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta u baaqday sanadguurada 25aad ee kasoo wareegtay shirkii Carta

Read Next

Mas’uuliyiin ka mid ah Mucaaradka oo ka qeyb galaya munaasabadda lagu maamuusayo Shirkii Carta