Sergio Busquets oo aqbalay in uu heshiis cusub u saxiixo Barcelona.

Laacibka kooxda Barcelona iyo xulka Spain ee Sergio Busquets ayaa lagu soo waramayaa inuu aqbalay inuu  qandaraas cusub u saxiixo Barcelona ka hor dhamaadka bishaan.

30 jirkaan heshiiska uu kula joogo kooxda reer Catalan waxaa uu dhacayaa xagaaga 2021, iyadoo qandaraaskiisa lagu burburin karo £ 180m.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, wakiilka ciyaaryahanka khadka dhexe Josep Maria Orobitg ayaa wadahadal la galay Barcelona oo heshiis kor dhin ah, waxaana lagu dhawaaqi doonaa todobaadyada soo socda.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigo waxaana uu ku dhawaad 500 kulan u saftay kooxda heysata horyaalka Spain tartamada oo dhan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa haatan la jooga xulka qaranka isagoo isku diyaarinaya kulanka  UEFA Nations League ay la ciyaarayaan England.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Sucuudiga oo dhex dhexaadinaya Jabuuti iyo Eritrea

Read Next

Tottenham Hotspur oo Porto ka heshay badalka Dambele.