Sucuudiga oo dhex dhexaadinaya Jabuuti iyo Eritrea

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso dhex dhexaadin ay waddo Dowladda Boqortooyada Sucuudiga kana dhex waddo dalalka Eritrea iyo Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in dowladda Sucuudiga dhex dhexaadineyso labada dal.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Waxaa kale oo uu Maxamuud Cali Yuusuf  bogaadiyay doorka dowladda Itoobiya ee ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa muranka u dhaxeeya dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Eritrea ayaa Khamiistii tagay Dalka Jabuuti,waxaana ay la kulmeen Maxamuud Cali Yuusuf kaddibna waxaa ay la kulmeen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Mustaqbal media

Read Previous

Barcelona oo qorsheyneysa iney heshiis cusub ka saxiixato Jordi Alba.

Read Next

Sergio Busquets oo aqbalay in uu heshiis cusub u saxiixo Barcelona.